Madaxwayne Farmaajo Oo Kulan La Qaatay Raysal Wasaaraha Dalka Itoobiya Abiy Ahmed

Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ku sufan magaalada Addis-ababa ayaa kulan doceed kula qaatay Ra’iisul Wasaaraha dib loo doortay ee dalka Itoobiya Mudane Abiy Axmed.

Kulanka ayaa waxaa ay iska xog wareysteen xaaladda Gobolka Geeska Afrika iyo xiriirka labo geesoodka ah ee labada dal oo ay saldhig u tahay daris wanaag, isixtiraam iyo xoojinta dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed uga mahad celiyay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo sida uu uga qeyb galay Xafladda Caleema saarka Xukuumaddiisa Cusub, isaga oo sheegay in dowladda Soomaaliya uu ka taageeri doono dhonacyo dhowr ah.

Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Saddexdii sano ee la soo dhaafay waxaa uu saaxiib gaar ah la lahaa Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, isaga oo mark kusoo dhaweeyay Magaalada Muqdisho, isla markaana dhowr jeer ay ku kulmeen Magaalada Addis Asmara ee waddanka Ereteriya.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Maamulka Dugsiyada Camar Binu Khadaab Oo Abaal Marino Gudoonsiiyay Ardaydii Ku Guulasatay Tartanka Aqoonta Iyo Quraanka Kariimka Ee Dugsiyada Cumar Binu Khadaab

Bnnstaff Bnnstaff

Ciidamo Kenyaan Ah Oo Qarax Lagu Laayay Gudaha Somaliya Iyo Tirada Askarta Dhimatay

Bnnstaff Bnnstaff

Guddiga Kormeerka Facebook Oo Eegaya Xayiraaddii La Saaray Madaxweynihii Hore Ee Mareykanka

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More