Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble oo booqasho rasmi ah ku jooga magaalada Doxa ee dalka Qadar ayaa kulan la qaatay Ra’iisul Wasaaraha dalkaasi Qatar Sheekh Khalid Bin Khalifa Al-Thani.
Kulanka ayaa looga hadlay xoojinta xiriirka labada dal iyo kordhinta mashaariicda horumarineed ee Dowladda Qatar ay ka fuliso Soomaaliya.
Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa la filayaa in uu kulan la qaato Amiirka dalka Qatar Sheikh Tamiim Bin Hamad Al-Thani, iyaga oo ka wada hadli doono arrimo dhowr ah.
Maxamed Xuseen Rooble Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo casuumaad ka helay Madaxda dalka Qatar ayaa safarkiisa waxaa uu kusoo aadayaa xilli aan weli xal laga gaarin khilaafka u dhaxeeya Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaaraha xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble
Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com