Madaxwayne Lafta Gareen Oo Sheegay In Uu Dib U Dejin U Samaynayo Dadkii Ay Somaliland Masaafurisay

Madaxwaynaha maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen ) ayaa sheegay in ay dib u dejin u samaynayaan dadkii dhawaan ay Somaliland kasoo musaafurisay magaalada laascaanood ee gobalka Sool, kuwaas oo ka soo jeeda deegaanada Koonfur Galbeed .

Waxa uu sheegay in dadkaasi markoodii hore aysan wadin baahi ay qabeen ama abaar haysay balse ay waday Daruuf amni ay sababeen Al-Shabaab ay halkaasi u tageen.

Waxa uu intaa ku daray  laftagareen in ay abuurayaan jawi ay dadkaasi kusoo laabtaan oo ay kuhelaan amni dhulkoodana ku beertaan dalagyo kala duwan, nolol fiicanna kuhelaan si aysan markale amni darro ugu barakicin .

Hadalkaan ayuu ka sheegay Madaxwayanaha koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen munaasabad uu ku daahfurayay gole deegaan oo la doonayo in dhawaan laga dhiso magaalada Baraawe oo ah Caasimadda rasmiga ah ee maamulkaasi Koonfur Galbeed .

Xafiiska Wararka BoramaNews

BoramaNews.com

Related posts

Baabuurta Dawlada Ee Wada Mad-madow Ha Laga Wada Guro Bacda Madow Ee Beersoosha. Gaadiidlayda Hargeysa

Bnnstaff Bnnstaff

Mucaaradku Waa Niman Muran U Jooga, Dalka Iyo Dadkana Naf Kama Le” Siyaasi Cabdiraxman Dheere

Bnnstaff Bnnstaff

Wasiirka Wasaarada Warfaafinta Somaliya Oo Kabaha La Dulmaray Xildhibaan Maareeye Iyo Mucaaridka Somalia

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More