Dowladda Mareykanka Oo Dalbatay In Dib Loogu Laabto Wada-Hadaladii Niyuklerka

Afhayeenka Waaxda Arrimaha Dibedda Ned Price ayaa warbaahinta u sheegay Khamiistii in Washington ay diyaar u tahay inay sii waddo wada-hadallada isla marka Tehran ay oggolaato inay dib uga qayb-gasho wadaxaajoodkaasi.

Afhayeenka ayaa sheegay in dib u bilaabista wadahadalada ay ku xiran tahay Iiraaniyiinta,isla markaana ay weli u furan yahay. waddada diblomaasiyadda.

Waxaan si cad u sheegnay inaan diyaar u nahay, oo aan awoodno inaan ku laabanno Vienna sida ugu dhaqsiyaha badan marka aan helno dal aaan la xaajoonno,” ayuu yiri Price.

Wadahadalada ayaa galay hakad tan iyo bishii June, waxyar kadib markii la doortay madaxweynaha muxaafidka Iran Ebrahim Raisi.

2015-kii ayeey aheyd markii Iiraan ay ogolaatay in ay joojineyso hubka niyukleka,haddii laga qaadayo cunaqabateynta caalamiga ah ee saran.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Danjire Salaad Cali Jeelle Oo Faah-Faahiyey Khilaafkii Dowladdii Farmaajo Iyo Jabuuti

Bnnstaff Bnnstaff

Ruushka Oo Qorshaynaya In Uu Xidho Dhamaanba Marinada Badda Ee Dalka Ukraine Oo Uu Go’doon Galiyo

Bnnstaff Bnnstaff

“Madaxwayne Naga Jooji Bandhiga Fanaanada Kiin Jaamac” Culimada Wanaag Fararista Somaliland

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More