Qarax Ismiidaamin Ah Oo Ka Dhacay Masaajid Ku Yaala Dalka Afghanistan Iyo Tirada Dadka Ku Dhintay

Tobaneeyo qof ayaa ku dhimatay qarax ismiidaamin ah oo lagu qaaday masaajid Shiicadu leedahay oo ku yaal magaalada Kunduz ee waqooyi bari Afghanistan intii lagu jiray salaadda Jimcaha, waana weerarkii ugu xumaa ee dalkaas ka dhaca tan iyo markii ay Talibanka la wareegeen maamulka bishii Ogosto.

Dawladda Islaamiga ah ee Gobolka Khorasan, ISKP (ISIS-K) ayaa Jimcihii sheegtay mas’uuliyadda weerarka iyada oo loo marayo kanaalkeeda Telegram.

Bayaan lagu sii daayay Telegram, kooxda ayaa lagu sheegay in qof is-miidaamiyay ISIS-K “uu qarxiyay jaakadaha qarxa xilli ay ku sugnaayeen dad badan” oo ka mid ah dadka Shiicada ah ee ku cibaadeysanayay masjidka.

Muuqaalo fiidiyow ah ayaa muujinaya maydad ku hareeraysan burburka gudaha Masjidka Gozar-e-Sayed Abad oo ay adeegsadaan dadka ka soo jeeda bulshada Muslimiinta Shiicada ah ee laga tirada badan yahay.

Waxaa jiray warar is khilaafsan oo ku saabsan tirada khasaaraha. Hawlgalka Qaramada Midoobay ee Afghanistan ayaa bartiisa Twitter -ka ku sheegay in qaraxa uu sababay dhimasho iyo dhaawac in ka badan 100 qof.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Ehelada Ay Ka Maqanyihiin Ciidanka Somaliya Tobabarka Ugu Dirtay Eritrea Oo Codsi U Diray Dowlada Somaliya

Bnnstaff Bnnstaff

Ciidanka Amaanka Somaliya Oo Muqdisho Ka Bilaabay Howlgalo Lagaga Hortegayo Alshabaab

Bnnstaff Bnnstaff

Maxkamada Maroodi Jeex Oo Go’aan Ka Soo Saartay Dacwada U Dhaxaysay Shirkada Daalo Iyo Xisbiga Wadani

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More