Dowlada Somaliya Iyo Bangiga Aduunka Oo Ka Wada Hadlay Saamaynta Dhaqaale Ee Covid 19

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa aaladda fogaan aragga uga qeybgalay kulan muhiim ah oo ku saabsan horumarinta arrimaha Maaliyadda.

Wasiirka waxaa uu la qaatay Madaxweyne ku-xigeenka Bangiga Adduunka ee Qaaradda Afrika Hafez Ghanem.

“Maanta waxa aan kulan muhiim ah oo ay natiijo ka soo baxday la qaatay Madaxda sare ee Bangiga Adduunka oo uu ugu sareeyo Madaxweyne ku-xigeenka Bangiga ee Qaaradda Afrika Hafez Ghanem iyo shaqaalaha la shaqeeya”ayuu yiri Wasiir Beyle.

Waxa sheegay Wasiirka in kulankaasi si weyn looga hadlay dib u habeynta arrimaha maaliyadda Soomaaliya iyo saameynta dhaqaalle ee ka dhalatay cudurka Karoonaha.

“Waxa aan diiradda saarnay dhameystirka hanaanka dib-u-habeynta Maaliyadda dalka iyo sidii socoshada taageerada Bangiga Adduunka ee wax ka qabashada saameynta COVID-19 ee dhaqaalaha Soomaaliya iyo Masiibooyinka dabiiciga ah ee goboladeena qaar ka dhaca”.ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda”

 

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Jabhada TPLF Oo Duqayn Madaafiic Ah Ku Laysay Dad Badan Oo Canfar Ah

Bnnstaff Bnnstaff

Safiirka Somaliya U Fadhiya Dalka Turkiga Oo Ka Warbixiyay Balanqaadyadii Uu Wiilka Reer Buuhoodle Ka Helay Turkiga

Bnnstaff Bnnstaff

Gudoomiyaha Xisbiga Wadani Oo Si Adag Ugu Jawaabay Maayirkii Hore Ee Burco

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More