Alshabaab Oo Madaafiic Ku Weerartay Saldhig Ay Ciidamo Itoobiyaan Ah Ku Leeyihiin Gedo

Wararka ka imaanaya gobolka Baay ayaa sheegaya in Al-Shabaab ay weerar madaafiic ah ku weerareen saldhig ay ciidamada Itoobiya ku leeyihiin deegaano ka tirsan gobolka Gedo.

Weerarka ayaa waxaa uu si gaar ah kaga dhacay degmada Qansax-dheere ee Gobolka Baay, sida ay KNN u sheegeen dadka deegaanka.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Ciidamada Itoobiya dhankooda ay tiro madaafiic ah ugu jawaabeen Al-Shabaab, islamarkaana uu jiro khasaaro ka dhashay weerarkaasi.

Ciidamada Itoobiya iyo kuwa dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa saakay waxaa ay baaritaano ka wadaan degmada Qansax-dheere ee gobolka Baay.

Ma jiraan weli wax war ah oo ka soo baxay maamulka degmada Qansax-dheere ee gobolka Baay.

 

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Caaqil Reer Awdal Ah Oo Si Kulul U Dhaliilay Koomishanka Doorashooyinka Somaliland Fariin Culusna Diray

Bnnstaff Bnnstaff

Faysal Cali Waraabe Oo Ka Hadlay Colaada Dalka Itoobiya Iyo Saamaynta Uu Yeelan Karo Dagaalkaasi

Bnnstaff Bnnstaff

Maraykanka Oo Ka Baxay Heshiiskii Taliban Dumaqayno Culusna La Beegsaday Ururukaasi

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More