Amaro Lagu Soo Rogay Mulkiilayaasha Hoteelada Ku Yaala Magaalada Gaalkacyo

Duqa magaalada Gaalkacyo ee Galmudug Cabdiraxmaan Sheekh Xasan ayaa waxaa uu soo saaray awaamiir lagu sugayo Amniga Gaalkacyo

Guddoomiyaha ayaa wareegtadiisa waxa uu ku faray milkiilaayasha ama maamulayaasha Hoteelada Gaalkacyo inaysan marti gelin shirar ama siminaaro aan loo heysanin warqad ogolaansho maamul ah, isla markaana ciddii hotelkeeda ku qabata arrimaaas oo aan fasax Maamul loo heysan ay la kulmi doonaan sharci adag.

Sidoo kale waxaa amarkan la faray qofkasta ama urur kasta ee qabanayo shir ama siminaar inay warqad ogolaansho ah ka soo qaatan maamulka Degmada, si loo hubiyo waxa ay qabanayaan, taasi oo lagu sheegay inay qeyb ka tahay qorshaha uu maamulka ku xoojinayo amniga magaalada Gaalkacyo.

Related posts

Erdogan: Muslimiinta Ayuu Ku Khafiifay Macron Ee Bal Maskaxdiisa Hala Soo baadho

Bnnstaff Bnnstaff

Ciidanka DANAB Oo Sameeyay Howlgal Lagu Qabtay Xubno ka tirsan Al-Shabaab

Bnnstaff Bnnstaff

Wasiir Bayle ” Waxaan Ku Sii Dhawaanaynaa In Aan Dal Walba Si Toos Ah Ula Xidhiidhno

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More