Ciidamo Kenyan Ah Oo Qarax Lagula Eegtay Xeebta Lamu Iyo Khasaaraha Ka Dhashay

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya kolonyo ay la socdeen Ciidamo ka tirsan kuwa Milateriga dowladda Kenya oo saacadihii lasoo dhaafay qarax xooggan lagula beegsaday degaan ka tirsan Gobolka xeebta ee Lamu.

Qaraxaas oo ahaa miino nooca dhulka lagu aasay ee laga hago meelaha fog-fog ayaa waxaa uu qabsaday gaari ay saarnaayeen Ciidamo kamid ah kuwa Milateriga Kenya oo socdaal ku marayay inta u dhexeeysa deegaanada Milimani iyo Baargooni Lamu.

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay qaraxaas oo soo gaaray Ciidamada lala beegsaday, waxaana la xaqiijiyay inay ku geeriyoodeen in ka badan 10 Askari oo Kenyaati ah, halka kuwo dhaawacyo soo gaareen.

Al-shabaab oo ka hadashay qaraxii lala eegtay Ciidanka Milateriga Kenya ayaa waxaa ay ku sheegteen Mas’uuliyada qaraxaas khasaaraha dhaliyey ee ka dhacay inta u dhexeeysa Milimani iyo Baargooni, iyagoona tilmaamay inay ku dileen 14 askari Kenyaan ah.

Dhinaca kale ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Taliska Ciidamada Milateriga dowladda Kenya oo uga hadlayaan qaraxa Al-shabaab ay sheegtay inay ku dileen 14 askari, sidoo kalena dhaawacyo gaarsiiyeen Askar kale, kuwaasi oo la socday kolonyo Ciidan.

Si kastaba Al-shabaab ayaa warar kala duwan sidaan oo kale qaraxyo iyo weeraro dhabba-gal ula eegtay kolonyo ay la socdeen Ciidamada dowladda Kenya, xili ay socdaalo ku marayeen degaano ka tirsan Gobolka xeebta ee Lamu ee dalkaas.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Raysal Wasaarahii Hore Ee Dalka Suudaan Oo Coronavirus U Geeriyooday

Bnnstaff Bnnstaff

Maxay Ka Wada Hadleen Raysal Wasaare Xamse Iyo Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika?

Bnnstaff Bnnstaff

Ciidanka Milatariga Ruushka Oo Dhuulatus Ka Sameeyay Bada Madow

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More