JoeBiden Oo Aqalka Cad Kula kulmaya Madaxwaynaha Dalka Kenya Uhuru Kenyatta

Madaxweyne Joe Biden ayaa ku martigelin doona Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta kulan ka dhici doona Washington berri oo Khamiis ah.

Kulankan ayaa ku soo beegmaya xilli Mareykanka uu qiimeynayo cuanqabateyn uu saaro dhinacyada colaadu u dhaxeyso ee dalalka dariska la ah Kenya ee Bariga Africa.

Kulanka Aqalka Cad ayaa noqonaya kii ugu horeeyey ee uu Biden la qaato hogaamiye African ah.

Afhayeenka Aqalka Cad Jen Psaki ayaa qoraal ay soo saartey ku sheegtey in labada hogaamiye ay ka wadahadli doonaan dadaallada lagu difaacayo demoqraadiyada, xuquuqda aadanaha, laguna hiigsanayo nabadda iyo xasilloonida iyadoo sidoo kalena sare loo qaadayo kobcinta dhaqaalaha si loola tacaalo isbedelka cimilada.

Kenya ayaa hadda heysa kursiga wareegtada ah ee golaha ammaanka QM bishan. Mareykanka iyo Kenya ayaa leh wadashaqeyn dhinaca dhaqaalaha iyo ammaanka oo ay soo raacdo la dagaalanka argagixisada.

Maamulak Biden ayaa eegaya talaabo lagu ciqaab oo lagaga jawaabo xasarada sii xumaaneysa ee Waqooyiga Ethiopia, halkaasi oo kumanaan kun oo qof lagu diley malaayiina ay ku barakeceen, kuwaasoo hadda u baahan gargaar bani’aadaminimo.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Sirdoonka Somaliya Oo Dacwad Xasasiya Ka Gudbiyay Amisom

Bnnstaff Bnnstaff

Siyaasi Cabdilaahi Dirwal Oo Ka Hadlay Arimo Kala Duwan Oo Xasaasiya Fariina Diray

Bnnstaff Bnnstaff

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Oo Kulan La Qaatay Raysal Wasaaraha Dalka Kuwait Iyo Arimaha Ay Ka Wada Hadleen

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More