Dowlada Tanzania Oo Isku Dayeysa Daminta Dab Ka Kacay Buurta Ugu Dheer Afrika

Dadka ku nool agagaarka Buurta Kilimanjaro ayaa waxaa saameyn ku yeeshay dab ka kacay buurtaas oo ah tan ugu dheer Afrika.

Waaxda beeraha lagu nasto ee Tanzania (Tanapa) ayaa sheegtay inay socdaan dadaallo lagu daminayo dabkaas.

Weli lama oga waxa sababay dabkaas.

Holaca dabka ee ka baxaya buurta ayaa laga arkaa meel fog, sida laga soo xigtay wargeyska Citizen ee dalkaas.

Tanapa ayaa soo wadaagtay sawir laga soo qaaday buurta:
Wargeyska Citizen ee Tanzania ayaa sheegay in buurta oo aad u dheer darteed ay caqabad ku noqotay dadaallada ay wadaan bulshooyinka deggan agagaarka buurta.

Buurta Kilimanjaro waa tan ugu dheer Afrika, wuxuuna dhererkeedu gaarayaa 5,895 mitir (19,340ft).

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

“Xirsi Iyo Muuse Biixiba Waa Isla Kulmiye Uun ” Faysal Cali Waraabe

Bnnstaff Bnnstaff

Maayirka Magaalada Laascaanood Oo Ka Warbixiyay Xaalada Magaaladiisa Baaqna Diray

Bnnstaff Bnnstaff

Midawga Yurub Oo Cunaqabatayn Ku Soo Rogay Dalka Baralus

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More