Nin Ku Hubeysan Qaanso Iyo Falaar Oo Dad Ku Laayay Dal Ku Yaalla Yurub

Waddanka Norway shan qof ayaa dhimatay laba kalana waa ay dhaawacmeen kaddib markii uu dadkaasi weerraray nin adeegsanaya qaanso iyo falaar.

Booliska ayaa abaare 18:13 waqtiga maxalliga ah waxaa la soo gaarsiiyay warka weerrarka ka dhacay magaalada Kongsberg ee koonfur galbeed ka xigta magaalada caasimadda ah ee Oslo.

Nin u dhashay waddanka Denmark oo 37-jir ah ayaa loo xiray tuhun ah inuu weerrarka fuliyay.

Booliska ayaa rumaysan inuu kaligii falkaas fuliyay, waxa ayna baari doonaan in falkaasi uu ahaa mid argagixiso, sida uu sheegay afhayeen.

Qofka weerrarka gaystay ayaa la sheegay in weerrarka uu ka fuliyay suuqyaraha Coop Extra ee dhaca galbeedka magaalada Kongsberg. Mid ka mid ah dadka dhaawacmay ayaa ah askari boolis ah oo fasax ku jiray kaas oo waqtiaas dukaanka ku sugnaa.

Afhayeen u hadlay suuqyarahaasi ayaa markii dabme xaqiijiyay in “fal halis ah” uu ka dhacay halkaasi, waxa uuna intaasi ku daray in shaqaalahoodu aanay wax dhibaato jireed ah soo gaarin

Xafiiska Wararka BoramaNews

BoramaNews.com

Related posts

Xildhibaan Nacnac Oo Muuse Biixi Ugu Baaqay In Qisaas Lagu Fuliyo Ninkii Dilka Ka Gaystay Burco

Bnnstaff Bnnstaff

Madaxwayne Qoor Qoor Oo Si Diiran Loogu Soo Dhaweeyay Magaalada Muqdisho

Bnnstaff Bnnstaff

Madaxwaynaha Faransiiska Oo Ku Dhawaaqay In Ciidamadiisa Kala Soo Baxayo Gudaha Dalka Mali

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More