Gaari Dad Shacab Ah Oo Ku Gubtay Degaan Ka Tirsan Gobolka Mudug Iyo Khasaaraha Ka Dhashay

Gaari ay saarnaayeen dad shacab ah ayaa ku gubtay inta u dhexeeysa deegaanada Gawaan iyo Wisil ee hoostega Magaalada Hobyo ee Gobolka Mudug ee Galmudug, sida ay sheegayaan wararka aan halkaas ka heleyno.

Dad ku sugan Wisil ayaa waxaa ay ku warrameen in dabka xoogan uu ka kacay gaariga oo safar dheer ku jiray, kuna wajahnaa degaano ka tirsan Gobolka Galgaduud, waxaana dabkaas uu ka dhashay matoorka gaariga.

Ganacsade Maxamed sharad oo ah Milkiilaha leh gaariga gubtay ayaa sheegay in wax khasaaro nafeed ah uusan geysan dabka ka kacay gaariga, isla markaana uu jiro oo kaliya khasaaro hantiyadeed, maadaama oo gebi ahaan gubtay gaariga.

Dadkii saarnaa gaariga ayaa si nabad ah uga degay, kadib markii uu darawalkii waday gaarigaas ku wargeliyay inay cilad ka jirto Matoorka gaariga, kadibna waxaa mar qura dab xoogan uu ka kacay gaariga oo safar ku jiray.

Si kastaba ma’an markii ugu horreeysay oo sidaan oo kale gaari safar ku jiray ugu gubto deegaano ka tirsan Mudug, waxaana inta badan dabka ka dhasha gaariga keena Matoorka oo ku lulaada, maadaama gaadiidka ay safar dhaa dheer galaan

Xafiiska Wararka BoramaNews

BoramaNews.com

Related posts

Arday Wasaarada Waxbarashada Somaliland Ku Eedeeyay In Ay Musuqmaasuqday Deeq Waxbarasho Oo Ay Heleen

Bnnstaff Bnnstaff

Wasiirka Amniga Jubland Oo Dowlada Somaliya Ku Eedeeyay Khalalaashe Ka Dhacay Dhahar

Bnnstaff Bnnstaff

Xukuumada Deegaanka Somalida Oo Go’aano Ka Soo Saartay Kaalmaha Shidaalka Ee Magaalada Jigjiga

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More