Mareykanka Oo Taageero u Ballan Qaaday Dowladda Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka ee xilgaarsiinta Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud ayaa kulan wadahadal la qaatay Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka ee dhinaca Arrimaha Afrika, Mary.

Kulanka dhexmaray Wasiir Maxamed Cabdirisaaq iyo kaaliyaha Xoghayaha Mareykanka ayaa waxaa looga wada hadlay horumarka dowladda Federaalka Soomaaliya ee laga gaaray doorashooyinka socda iyo arrimaha Gobolka.

Dhinaca kale dowladda Mareykanka ayaa mar kale xaqiijisay inay ka go’an tahay inay garab istaagto dowladda iyo shacabka Soomaaliya,

Iyadoo Maanta la xusayo qaraxii afar sanno kahor Maanta oo kale ka dhacay Isgoyska Soobe ayaa dowladda Mareykanka waxa ay sheegtay in ay gacan ka geysaneyso sidii looga hortagi lahaa kooxaha kasoo horjeeda amniga dalka.

Dowladda Mareykanka ayaa taageero siisa dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaana ay sigaar ah Ciidanka dowladda uga taageeraan weerarada laga fulino deegaano ka tirsan Gobolada oo ay ku sugan yihiin Al-shabaab.

Xafiiska Wararka  BoramaNews

BoramaNews.com

Related posts

Faahfaahino Ka Soo Baxaya Weerar Madaafiic Ah Oo Lagu Weeraray Xerada Xalane Ee Muqdisho

Bnnstaff Bnnstaff

Maamulka Dowlada Hoose Ee Borama Kulan Wadatashi Ah La Yeeshay Bulshada Borama Iyo Qorshayaal La Soo Bandhigay

Bnnstaff Bnnstaff

Wararkii U Dambeeyay Ee itoobiya iyo Murranka Trump Ee Doorashada Maraykanka + WARARKALE

Mustafehaji

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More