Dowladda Soomaaliya Oo Ka Qeyb Gashay Shir Looga Hadlay Caafimaadka Aduunka

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda xilgaarsiinta, Agaasimaha Guud iyo lataliyaal iyo Madax kale ayaa hanaanka fogaan aragga kaga qaybgalay maalintii 3aad kalfadhiga 68aad ee Guddiga dalalka Bariga Mediterranean (RC68 Regional Committee for the Eastern Mediterranean countries).

Qeyb kamida kal-fadhiga waxaa shir guddomiyay lataliyaha Wasiirka Caafimaadka Prof. Maxamed Jaamac taasoo diirada lagu saaray Caafimaadka Aduunka iyo sida uu nabada iyo xasiloonda uga qeyb qaadan karo .

Dr. Fowziya Abiikar Nur ayaa Madasha ka jeedisay kalmada Soomaaliya ee Shirka taasoo aad u taabanaysay ka qeyb qaadashada Caafimaadka ee dhisidda nabadda, hormarinta bulshada iyo dhaqaalaha & sida Caafimaadka loogu adeegsan karo inuu noqdo “buundada nabadda iyo Xasiloonida.

Sidoo kale Wasiirada ayaa ka hadashay baahida Soomaaliya ay u qabto maalgelinta iyo dib u dhiska nidaam caafimaad oo adkeysi u leh bixinta adeegyada Caafimaadka Assaasiga ah xiliyada xaaladaha deg-dega ah lagu jiro ee ay kacsanyihiin dhibaatooyinka iyo xasaradaha

Xafiiska Waraka BoramaNews

BoramaNews.com

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Sheegay In DF Ay Bilaabeyso Guluf Ka Dhan Ah Al-Shabaab

Bnnstaff Bnnstaff

Isra’il Oo Gantaalo Ku Garaacday Qaybo Ka Mid Ah Caasimada Dalka Suriya Ee Dimishiq

Bnnstaff Bnnstaff

Madaxweynaha Maamulka Puntland Siciid Deni Oo Ku Wajahan Boosaaso

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More