Puntland Oo Sheegtay In Nabada Gaalkacyo Ay Ku Timid Wada Shaqeynta Labada Maamul

Wasiirka Arrimaha gudaha maamulka Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhanbacad ayaa sheegay in lagu guuleystay in xal laga gaaro dagaalladii ka dhici jiray magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Waxaa uu sheegay in saddexdii Sano ee lasoo dhaafay wada shaqeyn buuxda ay dhexmartay labada maamul, islamarkaana taasi ay keentay in dadka shacabka ay go’aansaddaan in ay la shaqeeyaan laamaha Amniga.

Waxaa uu xusay Wasiir dhanbacad in waxyaabaha soo celcel jiray dagaallada Gaalkacyo in ay qeyb weyn ahaayeen siyaasadda is diidan ee labada maamul.

Wasiir dhabancad ayaa sheegay in hadda ay wada shaqeyn buuxda ay ka dhaxeyso labada maamul ee ka jira degmada Gaalkacyo lagana maarmay in la barakiciyo dadka shacabka.

Maamulada Puntland iyo Galmudug ayaa horay ugu dagaallamay degmada Gaalkacyo oo ay ka wada taliyaan waxaa

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Malleyshiyaad Gadoodsan Oo La Wareegay Qaybo Ka Mid Ah Baladweyne

Bnnstaff Bnnstaff

Azerbijaan Oo War Ka Soo Saartay Heshiiska Ay Wada Galeen Arminiya Shaaciyayna Jadwalka Loogu Soo Wareejinayo Gobolka

Bnnstaff Bnnstaff

Sarkaal Hore Uga Tirsanaa Milateriga Iyo Sirdoonka Itoobiya Oo Jooga Muqdisho Oo Sirro Badan Kashifay

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More