Dad Ay Somali Ku Jirto Oo Ku Dhaawacmay Israsaasayn Ka Dhacday Maraykanka

Dad dhowr ah oo ay ku jiraan Soomaali ayaa fal dhaawac ah waxaa fiidnimadii Jimcaha loogu geystay koonfurta Magaaladda Minneapolis ee dalka Mareykanka, kadib Israsaaseyn dhexmartay dad hubeysan.

Booliska Minneapolis ayaa sheegay in dad hubeysan oo ku sugnaa Saddex meelood oo kala duwan oo ku yaalla koonfurta Magaaladda Minneapolis ay Israsaaseeyeen, isla markaana rasaasta ay ku dhaawacmeen Lix ruux oo ay ku jiraan Soomaali.

Ciidanka Booliska Magaaladda Minneapolis ee dalka Mareykanka ayaa tilmaamay inay wadaan baaritaano kala duwan oo ku aadan sababta keentay in dadkaas ay rasaas khasaaro dhalisay ay isweydaarsadan.

Dadka dhaawacmay oo ay qeyb ka yihiin dhalinyaro Soomaali ah ayaa waxaa la geeyay Isbitaalo, si loogu daaweyo, waxaana Booliska ay wadaan baaritaano ku aadan qaabka uu u dhacay falkaas.

Weli lama cadeyn magacyadda dadka dhaawacmay iyo dadka ka dambeeyay fal dambiyeedyaddan kala duwan ee ka kala dhacay Saddex meelood oo ku yaalla koonfurta Magaaladda Minneapolis ee dalka Mareykanka.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Madaxwayne Ku Xigeenka Somaliland Oo Daah Furay Kulan Lagaga Hadlayo Qorshaha Wax Barashada Somaliland

Bnnstaff Bnnstaff

Dowlada Maraykaka Oo Shixnadii 3aad Ee Hub Ah Gaysay Caasimada Jamuuriyada Ukraine

Bnnstaff Bnnstaff

Dowlada Itobiya Iyo TPLF Oo La Filayo In Ay Dhawaan Yeelanaya Wadahadalo

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More