Dowlada Kenya Oo Gacanta Ku Dhigtay Nin Qirtay In Uu Kufsi Iyo Dil U Gaystay Haween

Nin qirtay inuu kufsaday saddex dumar ah ka hor inta uusan dillin ayaa falkaan argagaxa leh wuxuu dusha ka saaray oo uu ku eedeeyay kaniisad ku taala magaalada Kiambu ee dalka Kenya, sida uu qorayo wargayska NATION ee ka soo baxa dalkaas.

Wuxuu ku andacooday in kaniisaddu ay isaga siinaysay lacag gaaraysa 300 oo doolar marka uu qof dilo. Ninkan oo lagu magacaabo Paul Magara Morara, oo 29 jir ah, ayaa hadda ku xiran Saldhigga Booliska ee deegaanka Ruiru ee ismaamulka Kiambu Kenya.

Wuxuu sheegay in kaniisad ay siisay lacag dhan 300 oo doolar ka dib markii uu fuliyay amar ay siisay oo ahaa inuu dilo saddexda haweenka ah.

“Kaniisadda waxaa i baray sannadkii hore saaxiibkay, qof kasta oo aad disho waxaa laguugu siinayaa lacag gaaraysa 300 oo doolar . Waxaa la ii sheegay in haweenku ay ahaayeen kuwa ugu fudud ee la dilo, ”ayuu ku yiri Morara waaxda dambi baarista.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Madaxwayne Muuse Biixi Oo Ka Hadlay Doorashada Bari Dhacaysa

Bnnstaff Bnnstaff

Beesha Caalamka Oo War Ka Soo Saartay Shirkii Lagu Soo Kala Kacay Ee Dhuusamareeb

Bnnstaff Bnnstaff

Maxaa Ka Soo Kordhay Dhisamaha Wada Isku Xidhi Doonta Magaalooyinka Tiridhaba,Dharwanaaje Ilaa Borama

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More