Raysal Wasaare Rooble Oo Shaaciyay Xiliga Ay Bilaabmayso Doorashada Golaha Shacab Ee Kuraashta Somaliland

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegay in waqtiga ugu dhow ama todobaadka soo socda ay bilaaban doonto doorashada Xildhibaannada Golaha Shacabka gaar ahaan kuwa Gobolada Waqooyi ee Somaliland.

Rooble oo ka hadlay kulan soo dhaweyn ah oo loo sameeyay Ergadii Soomaaliya ee kiiska Badda ayaa sheegay in siyaasiyiinta Sar sare ee Gobolada Waqooyi uu kala hadlay arrinta doorashada Golaha Shacabka, isla markaana uu ka dalbaday inay dedejiyaan.

Waxaa uu hadalkiisa intaasi ku daray in habeen kasta uu ku duceysto in doorashada ay u soo geba-gabowdo, iyada oo aysan cidna xag-xageyn, cidna waxba u dhimim, sidoo kale aysan jirin cid dhibaato loo geysto.

Ugu dambeyn Ra’iisul Wasaaraha waxaa uu sheegay in doorashada Golaha Shacabka ee Somaliland ay daadihin doonaan Guddoomiyaja Aqalka Sare Cabdi Xaashi iyo Ra’iisul Wasaare kuxigeenka dalka Mahdi Guuleed loogana dambeyn doono.

Xukuumadda Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedyada kajira dalka ayaa waxaa ay xilligaan kujiraan diyaar garoowgii ugu dambeeyay ee doorashada Golaha Shacabka, iyada oo dhawaan la xareyn doono Ergada iyo Odayaasha wax dooranaya.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Midawa Murashaxiinta Oo Soo Dhaweeyay Go’aanka Rooble Shaqada Kaga Joojiyay Fahad Yasiin

Bnnstaff Bnnstaff

Macalimiinta Dugsiyada Cumar Binu Khadaab Ee Magaalada Borama Oo Loo Qabtay Tobabar Ku Saabsan Tayaynta Waxbarashada

Bnnstaff Bnnstaff

Howlgal laga sameeyay Xaafado ka tirsan Magaalada Muqdisho Iyo Xogo Ku Saabsan Hawlgaladaasi

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More