Borama News Network

Raysal Wasaaraha Dalka Hait Oo La Waayay Meel Uu Jaan Iyo Cidhib Dhigay Iyo Raadintiisa Oo Lagu Gudo Jiro

Ra’iisul Wasaaraha Dalka Haiti Ariel Henry ayaa la waayay xogtiisa waxyar kaddib markii Mucaaradka hubaysan uu gacanta ku dhigay Caasimadda Dalkaas sida ay sheegeen ilo ku dhow dhacdadaan saamaynta ku reebtay waddankaan.

Ariel Hinry ayaa la baadigoobayaa halka uu jaan iyo cirib dhigay lamana xaqiijin in ay gacanta ku hayaan burcadda caasimadda qabtay iyo in uu baxsaday balse waxaa socda raadintiisa si loogu soo helo Nolol ama Geeri mid uun.

Ninkaan ayaa dhowaan dib ugu laabtay dalkiisa kaddib markii uu Magaalada Nairobi ku saxiixay heshiiska ogolaanaya in Ciidamada Kenya ay ilaaliyaan xarumaha muhiimka ah isla markaana ay tababaraan ciidamada dalkaas.

Kenya ayaa xaqiijisay in Diyaaradda uu la socday Ra’iisul Wasaaraha Haiti ay sabtidii ka ambabaxday Magaalada Nairobi iyada oo kusii jeedda Dalkiisa, lama bixin xog intaas ka badan sida uu Dal saddexaad uu sii maray.

Arrintaan ayaa noqotay mid indhaha Caalamka soo jeeditay waayo waxa uu Ninkaan muhiim u yahay heshiiska ogolaanaya ciidamada Booliiska Kenya in ay tagaan Dalkaas si ay u xoojiyaan ciidanka awooddoodu liidato ee dalkaasi.

Related posts

Somaliland iyo Ingiriiska Oo Ka Wada Hadlay Sidii Loo Ilaalin lahaa Ammaanka Xeebaha Somaliland.

Abdiaziz Bnnstaff

Maxay Eritrea uga soo horjeesatay heshiiskii dhex-maray Itoobiya iyo Soomaaliya?

Abdiaziz Bnnstaff

“Somaliland waa tii maalinta dhawayd ad Aragteen Doorashada Ay Qabsatay Oo …” Xil Maxamed Abiib

Abdiaziz Bnnstaff