Madaxweyne Qoor Qoor Iyo Beesha Caalamka Oo Ka Wada Hadlay Xiisadda Ka Taagan Galmudug

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ( Qoor Qoor) ayaa kulan khadka Internet-ka la yeeshay qaar kamid ah Saaxiibada Beesha Caalamka.

Kulanka ayaa waxaa looga hadlay xaaladaha amni ee dhowaan ka soo cusboonaaday Galmudug gaar ahaan xiisadda u dhaxeeysa Galmudug iyo Ahlusunna oo ka taagan degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud.

War kasoo kasoo baxay Wakiilada Beesha Caalamka ayaa waxaa lagu sheegay inay sidoo kale ka wada hadleen muhiimadda ay leedahay in si degdeg ah loo soo gabagabeeyo doorashada Aqalka Sare loona billaabo doorashada Golaha Shacabka.

Wararka Risaala ay ka heleyso

Kulanka Wakiilada Beesha Caaalamka iyo Madaxweynaha Galmudug ayaa kusoo aadayaa xilli xiisad u dhaxeeysa Ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug oo dhinac ah iyo Ahlusunna ay ka taagan tahay degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Koomishanka Doorashooyinka Somaliland Oo Maanta Kala Diray Qalabkii Diiwaan Galinta Doorashada

Bnnstaff Bnnstaff

Faah Faahin Kasoo Baxeysa Shil Sababay Dhimasho Iyo Dhaawac Oo Ka Dhacay Puntland

Bnnstaff Bnnstaff

Xisbiga Ucid Oo Gudida Diwaan Galinta Ururrada Ugud Biyay Macluumaadkii Ay Uga Baahnaayeen.

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More