TPLF Oo Lagu Eedeeyay In Ay Dad Shacab Ah Ku Laysay Deegaan Ka Tirsan Gobolka Amxaarada

Dowladda Itoobiya, ayaa ku eedeysay dagaal yahanada mucaaradka Tigreega, iney dileen in ka badan 30 qof oo rayid ah, kuwaasoo ku noolaa waqooyi galbeed ee is maamulka Amxaarada.

War ay soo saartey wasaaradda arrimaha dibadda, ayaa intaa ku darey in dagaal yahanada mucaaradku ay bartilmaameed sadeen si aan kala sooc laheyn dad shacab ah.

Dagaal yahanada TPLF ee Tigreega, ayaa bilaabey weeraro cusub, oo ay ku qaadayaan maamulada Amxaarada iyo Canfarta, iyagoo ka sameynaya boob hantiyeed, ayna dheer tahay in waayeelada iyo caruurtuba u dhimanayaan baahi darteed.

Dowladda Itoobiya ayaa u aqoonsan mucaaradka Tigreega argagaxiso.

Ciidanka dowladda dhexe ee Itoobiya, ayaa bilaabey dagaalka ay kula jiraan mucaaradka Tigreega bishii November ee sanadkii hore ee 2020-ka.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

“Dhulbahante Maha Reer Nooho Qaado Shurgudoonkan Faratoon Wuu Soo Baxaya Ee Calaw Kursigaga Ha Wayin” Ugaas Cabdirisaaq Koosaar

Bnnstaff Bnnstaff

”Mushaharka Yar Ee Aad Qaadato Waa Mid Kugu Filnaanaya, Magaca Mubarak Waxa Ii Bixiyey Aadan Sunne” Maxamed Bk

Bnnstaff Bnnstaff

“Sida Uu Inoo Sameeyay Sicir Bararku Umuu Saamayn Waddamada Dibadda ” Wasiirka Maaliyadda Somaliland

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More