Diyaarada Itoobiya Oo Duqaymo Ka Fuliyay Caasimada Gobolka Tigray

Wararka ka imanaya magaalada Mekelle, ee is maamulka Tigreega ee waqooyiga Itooobiya, ayaa sheegaya in halkaasi ay duqeeyeen diyaarado saaka aroortii, sida uu sheegay Tv ay maamulaan jabhadda TPLF.

Magaalada xarunta u ah gobolka Tigreega, ayaa markii labaad waxaa ka dhacey duqeymo toddobaad gudihiis.

Goobjooge ayaa BBC-da u sheegay in duqeyn hawada ah ay magaalada ka dhacdey aroortii, abaarihii 10:20 oo barqanmo, iyadoo bartilmaameedka duqeymahaasi ay ahaayeen xarunta laga raaco basaska iyo enginer-riyadda ee Mesfin.

Laakiin waa wax adag in si madax bannaan loo caddeeyo faah faahinta ku saabsan duqeyntan, maadaama gobolkani dhanka war isgaarsiinta uu aad u liito.

Isniintii dowladda Itoobiya, ayaa sheegtay iney hawada ka duqeysay goobo ay yaallaan hub iyo war isgaarsiin.

Si kastaba ha ahaatee, goob joogeyaal iyo dhakhaatiir, ayaa u sheegay BBC da in duqeynta hawada ay dishey saddex qof oo raiyd ah.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

“Xalay 11kii Ayaan Ogaaday In La Iga Been Abuurtay” Xildhibaan Bille Cabdi

Bnnstaff Bnnstaff

LIVE :TOOS U DAAWO CIYAARTA Hawd Vs Badhan

Mustafehaji

Maraykanka Oo Ka Hadlay Sababta Uu u Baajiyay Tababarka Ciidan Ee Berbera

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More