Kulan Xasaasiya Oo Villa Somaliya Uga Socda Farmaajo, Wasiirka Amniga Iyo Tliye Bashiir Goobe+ Arinka Laga Hadlayo

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Wasiirka amniga Xukuumadda  Cabdullaahi Maxamed Nuur iyo Taliye Bashiir Goobe ayaa haatan waxaa kulan uga socdaa Xarunta Madaxtooyada

Warar lagu kalsoonaan karo oo la helayo ayaa sheegaya in kulanka socda looga hadlayo khilaafka xoogan ee u dhexeeya Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, kaasi oo salka ku haaya kiiska Ikraan Tahliil iyo awoodaha dhanka sharciga ah.

Kulanka dhexmaraya Farmaajo, Wasiirka amniga Cabdullaahi Maxamed Nuur iyo Taliye Bashiir Goobe oo uu magacaabay Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa goobjoog ka ah Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasii Xasan Maxamed Lafta-gareen.

Kulankan ayaa ah kii u horreeyay ee fool ka fool ah oo Madaxweyne Farmaajo iyo Wasiirka Amniga C/llaahi Maxamed Nuur ay yeeshaan, tan iyo markii uu Maxamed Cabdullaahi Farmaajo si adag u diiday magacaabistii Wasiir C/llaahi.

Xalay aheyd markii Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Rooble kulan ku yeesheen Xarunta Madaxtooyada, kaasi oo ahaa mid hordhac iyo is-wareysi ah, wuxuuna uu ku yimid dadaalo kala duwan oo uu sameeyay Madaxweyne Cabdicaiis Lafta-gareen.

 

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Golaha Ammaanka Oo Kulan Ka Leh Xaaladda Soomaaliya

Bnnstaff Bnnstaff

“Gudiga Doorashooyinka Wali Waxaa Ka Buuxa Xubo Ka Tirsan NISA” Cabdiraxmaan Cabdishakuur

Bnnstaff Bnnstaff

Sheekul Baladka Gobolka Awdal Oo Soo Gabgabeeyay Safsiirka Quraanka Kariimka

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More