Dowlada Somaliya Oo Ka Qayb Gashay Shirka Ganacsiga Ee Turkiga Iyo Dalalka Africa

Wasiirka wasaaradda ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Soomaaliya Eng; Khaliif Cabdi Cumar ayaa magaalada Istambul ee dalka Turkiga kaga qeyb galay madasha 3-aad ee dhaqaalaha iyo ganacsiga ee Turkey-Afrika (3rd Turkey – Africa Economic and Business Forum).

Shirkan oo ay ka qeyb galeen mas’uuliyiin, ganacsato iyo quburo xagga dhaqaalaha ah oo ka kala socota dowladda Turkiga iyo qaar ka mid ah waddamada Afrika ayaa lagu gorfeeyay kobcinta dhaqaalaha iyo dar-dar gelinta maal-gashiyada labada dhinac.

Eng; Khalliif Cabdi Cumar, Wasiirka wasaaradda ganacsiga iyo wershadaha Soomaaliya oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in ay muhiimad weyn ugu fadhiyaan kulamada noocan ah ee lagu faaqidayo arrimaha dhaqaalaha.

Wuxuuna wasiirku xusay inay iskaashiga xagga ganacsiga iyo dhaqaalaha ay Soomaaliya leedahay Turkiga uu yahay mid aad u sarreeya loona baahan yahay in sare loo sii qaado.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Qaar Ka Mid Ah Madaxda Maamulada Somaliya Oo Kulan La Qaatay Midowga Murashaxiinta

Bnnstaff Bnnstaff

Shacabka Magaalada Garoowe Oo Ka Banaanbaxay Sixirbararka Qiimaha Shilin Somaliga Ah

Bnnstaff Bnnstaff

Madaxda Maamul Goboleedyada Somaliya Oo Lagu Amray In Ayna Muqdisho Bixi Karin

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More