Warkii Ugu Dambeeyay Ee Xaalada Degmada Guriceel Oo Ay Wali Xaalad Dagaal Ka Taagantahay

Waxaa weli xiisad dagaal ay ka taagan tahay degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud, halkaas oo ay isku heystaan Ciidamada dowladda & kuwa Galmudug oo dhinac ah iyo xoogaga Ahlusunna Waljamaaca.

Badi dadkii kunoola Guriceel ayaa isaga barakacay, halka weli kuwa tirada yar ee ku sugan ay barakacayaan, iyaga oo ka cabsi qaba in dushooda lagu dagaalamo, isla markaana ay waxyeelo kasoo gaarto.

War Goordhow na soo gaaray ayaa waxaa ay sheegayaan in jugta tiro madaafiic ah laga maqlay duleedka degmada Guriceel gaar ahaan aaga waqooyi ee Degmada Guriceel oo ay isku hor-joogaan Ciidamada Dowlada Federaalka iyo kooxda hubeysan ee Ahlusunna.

Dad ku sugan Guriceel ayaa Risaala u sheegay inay maqeen jugta tiro madaafiic ah, waxaana wararka qaar ay sheegayaan in xoogaga Ahlusunna ay rideen madaafiicda kuna dhaceen meel u dhow fariisinka Ciidanka dowladda & kuwa Galmudug.

Dhawaan waxaa fashilmay waan waan laga dhex-waday Mas’uuliyiinta Maamulka Galmudug iyo xoogaga Ahlusunna, kuwaas oo ay wadeen Odayaal iyo siyaasiyin kasoo jeeda Galmudug, waxaana dadka ay ka cabsi qabaan in uu dagaal dhex-maro Ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug oo dhinac ah iyo xoogaga Ahlusunna.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Dowlada Somaliya Oo War Ka Soo Saartay Xiisada Ka Taagan Magaalada Baladwayne

Bnnstaff Bnnstaff

Axmed Madoobe Oo Sheegay In Uu Warbaahinta La Hadlayo Iyo Beesha Caalamka Oo Farogalisay

Bnnstaff Bnnstaff

Midawga Murashaxiinta Mucaaridka Ah Ee Somaliya Oo Aan Wali Ka Hadlay Dagaalka Guriceel

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More