Dhegayso:- Madaxwayne Lafta Gareen Oo Ka Hadlay Heshiiska Madaxwayne Farmaajo Iyo Rooble

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (laftagareen) ayaa sheegay in uu dhamaaday kala ragtid uwanaantii u dhaxeeysay Madaxweyne Farmaajo & Ra’iisul Wasare Rooble taas oo salka ku heeysay arrinta Hay’adda NISA iyo Wasaaradda Amniga.

Laftagareen oo garwadeen ka ahaa wada-hadallada labada mas’uul ayaa sheegay in si kalsooni leh oo wanaag kujiro lagu dhameeyay khilaafka kadib dadaal dheer iyo iskudayo badna oo ay sameeyeen.

Sidoo kale Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa u mahad celiyay Madaxweyne Farmaajo & Ra’iisul Wasaare Roole oo uu sheegay inay tasaasul muujiyeen, waxaana uu sicad u sheegay in dadka Soomaaliyeed ay walwal ka qabeen khilaafka Madaxda.

Ugu dambeyn waxaa uu sheegay in dhamaan madaxda dalka ay wada Shaqeyn doonaan ayna meesha ka baxday kala aragti duwanaantii jirtay haatana la guda galayo howlaha doorashooyinka.

Related posts

Yaabka: Safiirka Imaaraadka U Fadhiya Israiil Oo Ka Ducayska Khadiibka Yuhuuda Weerayna Jaziira

Bnnstaff Bnnstaff

Waan Waantii Laga Dhex Waday Madaxwayne Farmaajo Iyo Raysal Wasaare Rooble Oo Hakad Gashay

Bnnstaff Bnnstaff

Diyaar Galawga Todobaadk Xoriyada Oo Si Wayn Looga Dareemaya Magaalada Muqdisho

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More