Ciidanka DANAB Iyo Kuwa Jubbaland Oo Howlgal Ku Dilay Xubno Ka Tirsan Al-Shabaab

Ciidanka Kumaandooska DANAB ee Xoogga dalka Soomaaliya iyo kuwa daraawiishta Maamulka Jubbaland ayaa si wada jir ah gelinkii dambe ee shalay howlgal ka dhan ahaa Al-shabaab uga sameeyay degaano ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose.

Ciidamada ayaa howlgalka intiisa badan ka fuliyay deegaanada kala ah hiloshiid, Janay-Cabdale, Kubokibir, Canjeel iyo degaano kale oo ka tirsan Jubbada Hoose oo la sheegay inay ku sugnaayeen dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab.
Saraakiisha hoggaamineysay Ciidamada DANAB iyo kuwa Jubbaland ayaa waxaa ayaa sheegeen in howlgalka inta uu socday lagu dilay saddex xubnood oo ka tirsanaa Al-shabaab, waa sida ay u dhigeen Saraakiisha Ciidamada.

Waxaa ay intaas kusii dareen Saraakiisha in la burburiyey fariisimo Shabaabka ay ku lahaayeen deegaanada howlgalka laga fuliyay, isla markaana ujeedka howlgalkan uu ahaa mid lagu xaqiijinayay amniga.

Ciidanka Kumaandooska DANAB ee Xoogga dalka iyo kuwa daraawiishta Jubbaland ayaa howlgalo ka dhan ah Al-shabaab ka wada degaano ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose, waxaana xilyada qaarkood ay Shabaab kala kulmaan weeraro geysta khasaaro dhimasho iyo dhaawac.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Madaxwayne Erdogan Oo Sheegay Inuu La Kulmi Karo Hoggaamiyaha Ururka Taliban

Bnnstaff Bnnstaff

Dowalada Somaliya Oo Si Kulul Uga Hadashay Weerarkii Israa’iil Ku Qaaday Masjidka Al-Aqsa

Bnnstaff Bnnstaff

General Reer Azerbijan Oo Fashiliyay Xog Badan Oo Ku Saabsan Dagaalka Arminiya Iyo Azerbijaan

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More