Raysal Wasaaraha Pakistan Oo Mas’uulkii ka Horeeyay ku Eedeeyay inuu Somaliya Dhibaato ku Eegay

Ra’isul wasaaraha dalka Pakistan Imran Khan ayaa mas’uulkii ka horreeyay ku eedeeyay inuu dhibaato ku fiirsaday wadamo ay ku jirto Soomaaliya xilli uu ka qeyb galay barnaamij aqoon is-weydaarsi ah.

Nawaz Sharif waa ra’isul wasaarahii laga badalay shaqada, wuxuu ahaa midkii ugu wakhtiga dheeraa ee soo mara wadanka Pakistan, waxaana lagu eedeeyay inuu ku mashquulay kaliya arrimaha wadanka Hindiya.

“Nawaz wuxuu kaliya muhiimad siinayay arrimaha Hindiya ee sawir-xumeynta ciidanka Pakistan, wuxuuna iska indho-tiray xaaladda wadamada Libiya, Soomaaliya iyo Yemen oo ay soo wajahday dhibaato dhanka ciidanka ah,” ayuu yiri imran Khan.

Dowladaha Soomaaliya iyo Pakistan waxaa ka dhaxeeya xiriir soo jireen ah, waxeyna ka wada tirsan yahiin dhawr urur oo laga xusi karo Jaamacadda Carabta.

Nawaz Sharif wuxuu ahaa masuulkii ugu wakhtiga dheeraa ee wadankaas soo hogaamiya maadaama uu 9-sano ku sugnaa xafiiskiisa, balse waxaa ka guuleystay Imran Khan.

 

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Soomaaliya Oo Noqotay Dalka Keliya Ee Muslim Iyo Afrikan Ah Ee U Codeeyay Qabashada Doodda Xadgudubka Shiinaha Ee Musliminta Uyghur

Bnnstaff Bnnstaff

Qaramada Midoobay Oo Walaac Ka Muujisay Rabshadihii Ka Dhacay Magaalada Muqdisho

Bnnstaff Bnnstaff

Madaxda Maamul Goboleedyada Somaliya Oo Lagu Amray In Ayna Muqdisho Bixi Karin

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More