Raysal Wasaare Rooble Oo Maanta Kulan La Qaatay Safiirka Sacuudiga Iyo Arimaha Ay Ka Wada Hadleen

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa Maanta oo sabti ah xafiiskiisa kulan kula qaatay Safiirka Sacuudiga ee Kenya Khaalid Cabdalla Alsalmaan oo soo gaaray Magaalada Muqdisho.

Qoraal kasoo baxay Xafiiska Warfaafinta Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa waxaa lagu sheegay in Safiirka Sacuudiga ee Kenya Khaalid Cabdalla uu dalka soo gaarsiiyay deeq macaawino ah oo ka timid Xarunta Gargaarka Boqor Salmaan.
Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa Dowladda Sacuudiga iyo Boqor Salmaan uga mahadceliyay Deeqda Boqortooyada Sacuudiga soo gaarsiisay dalka Soomaaliya, wuxuuna Ra’iisul Wasaaraha uga mahadceliyay, taageeradooda joogtada ah oo ay siiyaan Soomaaliya.

“Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Sacuudiga ee Kenya Khaalid Cabdalla Alsalmaan oo dalka soo gaarsiiyay deeq macaawino ah oo ka timid Xarunta Gargaarka Boqor Salmaan” ayaa lagu yiri Qoraalka kasoo baxay Xafiiska Warfaafinta RW Rooble.

Faah faahin intaas ka badan lagama bixin kulan dhexmaray Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble iyo Safiirka Sacuudiga ee Kenya Khaalid Cabdalla Alsalmaan.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Dowlada Qatar Oo Si Kulul Uga Hadashay Qaraxii Is-Miidaaminta Ahaa Ee Ka Dhacay Muqdisho

Bnnstaff Bnnstaff

Ciidanka Dalka Ukraine Oo Dib U Soo Ceshaday Magaaladii Ay Maanta Qabsadee Ciidanka Ruushku Ee Kharkiv

Bnnstaff Bnnstaff

“Waxba Nagama khuseeyaan Xidhiidhka Ay Dowladda Soomaaliya U Jartay Kenya” Wasiir Jananka Baxsadka Ah

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More