Nin Ka Mid Ah Dadka Dunida Loogu Raadinta Badan Yahay Oo Gcanta Lagu Soo Dhigay

Ninka daroogada ka ganacsada ee aadka looga raadinayey dalka Colombia isla markaana ah ninka dambiyada ugu badan ee daroogada la xiriira gaystay ayaa la qabtay.

Dairo Antonio Úsuga, oo loo yaqaan Otoniel, ayaa Sabtidii lagu qabtay hawgal wada jir ah oo ay fuliyeen ciidamada militariga, kuwa cirka iyo booliiska.

Xukuumadda ayaa ballan qaadday in lacag dhan $800,000 ay siinayso qofkii soo sheega halka ninkaasi uu ku sugan yaha, halka Maraykanku uu madaxiisa uu saaray $5 milyan oo dollar.

Madaxweynaha Colombia, Iván Duque, ayaa sheegay in qabashada Otoniel ay tahay dharbaar weyn oo ku dhacday dadka darooga ka ganacsada ee ku sugan dalkiisa.

“Dharbaaxadaan waxay la mid tahay oo kaliya geeridii Pablo Escobar ee sannadkii 1993-dii” ayuu yiri.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Warbixin:- Saamaynta Uu Khilaafka Cusub Ee Xisbiga Ucid Ku Yeelan Karo Isbahaysiga Xisbiyada Mucaaridka Ah

Bnnstaff Bnnstaff

“Xinifow Maxaa Shaqadaadii Ah Ay Ku Waydiinayaan Reer Borama” Siyaasi Maxamed Aadan Suldaan

Bnnstaff Bnnstaff

Turkiga Oo Dhex-Dhexaadinaya Dowladda Federaalka Iyo Midowga Musharaxiinta

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More