Urur Goboleedka IGAD Oo Warbixin Ka Soo Saartay Xiisadda Dalka Suudaan

Xoghayaha fulinta urur goboleedka IGAD ayaa walaac ka muujiyay xaaladda siyaasadeed ee iminka ka jirta Sudan, waxa uuna sheegay in uu si dhow ula socdo xaaladda dalkaas.

Xoghayahu waxa uu si kulul u cambaareeyay isku day kasta oo lagu carqaladeynayo dowladda KMG ah, waxa uuna ku booriyay dhamaan dhinacyada inay dulqaad muujiyaan.

Wuxuu ku baaqay in si dhaqsi ah loo sii daayo Ra’iisul Wasaare Cabdalla Xamduuk, iyo dhamaan hogaamiyeyaasha siyaasadda ee xiran.

Sudan waxa ay iminka heysaa hogaanka meertada ah ee Urur Goboleedka IGAD, waana xubin muhiim ah oo ka mid ah aas aasayaasha IGAD, iyadoo ururka uu garabtaaganyahay uuna taageersanyahay shacabka iyo dowladda KMG ah ee Sudan, si loo xoojiyo guulaha Nabadda iyo demoqraadiyadda.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Dalalkii Xulafada La Ahaa Maraykanka Oo Qorshaynaya In Ay Samaystaan Hubka Nukliyeerka Iyo Sobobta

Bnnstaff Bnnstaff

Maxkamada Sare Iyo Culimada Waawayn Ee Somaliland Oo Shir Uga Furmay Hargeysa Iyo Arimaha Laga Wada Hadalayo

Bnnstaff Bnnstaff

Ra’iisul Wasaare Rooble Oo Caddeeyay In Dalka Uu Doorasho Aaday Taageerayna Go’aanka Galmudug Iyo Hirshabeele

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More