Ciidankii Ahlusunna Oo Isaga Baxay Magaalada Guriceel, Kadib Dagaaladii Cuslaa Ee Dhacay

Wararka aan ka heleyno Magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in Magaaladaas waaberigii hore ee saakay ay isaga baxeen Ciidankii Ahlusunna, xili maalmo uu halkaas ka socday dagaal qaraar oo u dhexeeyay Ciidanka dowladda, kuwa Galmudug iyo Ahlusunna.

Dad ku sugan Guriceel ayaa soo weriyey in Ciidankii Ahlusunna oo wata gaadiidka nooca dagaalka ay aadeen dhinaca deegaanka God-Wiil oo Waqooyi Barri ka xiga Guriceel, iyagoona faarujiyay fariisinkii ay ku lahaayeen dhanka waqooyi ee Magaalada.

Ciidanka Ahlusunna ayaa si adeg uga dagaalamayay maalmihii lasoo dhaafay halka loo yaqaano Jaamacadda, Isbitaalka Istarliin iyo xaafaddo kale oo ku dhow, isla markaana waxaa fariisimaha ay lahaayeen uga tageen 2 Gaari oo kala ah Beebe iyo Cabdi Bille oo ay lahaayeen ciidamada dowladda oo horey gacanta ugu dhigeen.
Ciidamada dowladda Federaalka iyo kuwa Maamulka Galmudug ayaa la wareegay gacan ku heynta Magaalada Guriceel, waxaana la sheegay inay gudaha u galeen dhufeysyadii ay Guriceel ku lahaayeen Ahlusunna, laguna arkayay Meydad aan weli la aasin.

Dagaalo socday saddex maalin ayaa ka dhacay Magaalada Guriceel, una dhexeeyay Ciidanka dowladda, kuwa Galmudug oo isku dhinac ah iyo Ciidanka Ahlusunna Waljamaaca, isla maekaana waxaa dagaalka ka dhashay khasaaro dhimasho iyo dhaawac.

Inta la xaqiijiyay 70 ruux oo isugu jiray Askar, Saraakiil Ciidan iyo dad shacab ah ayaa ku geeriyooday dagaaladii dhacayay maalmihii lasoo dhaafay, halka afartameeyo kalena ay ku dhaawacmeen, kuwaasi oo la geeyay Isbitaalo ku kala yaalla Dhuusamareeb iyo degaano kale oo ku dhow Guriceel.

In ka badan 10 kun oo qoys ayaa isaga barakacay Guriceel, iyagoona aaday deegaano ka tirsan Gobolka Galgaduud, si aysan waxyeelo uga soo gaarin Colaada ka jirtay Magaaladaas, waxaana dadkii barakacay ay xaalado adeg ku wajahayaan goobaha ay ku sugan yihiin.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Warbixin Xiiso Leh Oo Laga Diyaariyay Deegaanka Qadiimiga Ah Ee Bulaxaar Ee Gobolka Saaxil

Bnnstaff Bnnstaff

Gudiga Daba Galka Iyo Ilaalinta Hantida Qaranka Oo U Yeedhay Maareeyaha Wakaalada Biyaha Hargeysa Iyo Su’aalo Adag Oo La Waydiiyay

Bnnstaff Bnnstaff

Dowlada Jabuuti Oo Xabsiga Dhigtay Mas’uuliyiin La Sheegay In Ay Lacago Ku Lunsaday Heshiis Khiyaano Ah

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More