Beesha Caalamka Oo Walaac Xoogan Ka Muujisay Xaalada Bini’aadantimo Ee Magaalada Guriceel

Saaxiibada Beesha Caalamka ayaa ka walaacsan dagaalka ka socda magaalada Guriceel ee Dowlad Goboleedka Galmudug.

“Colaaddu ma aha oo kaliya mid sababaysa dhibaato bini’aadanimo oo ku dhacda dadka deegaanka, ee waxay sidoo kale tubta ka leexinaysaa hortabinnada degdegga ah ee dhamaystirka hannaanka doorashada iyo la-dagaallanka al-Shabaab” ayaa lagu yiri war kasoo baxay beesha Caalamka.

Xubnaha beesha Caalamka ayaa dalbaday in xal deg deg ah loo helo dagaalka, islamarkaana la caawiyo dadkii ku barakacay dagaallada.

“Waxaan ugu baaqaynaa dhinacyada dirirtu ka dhaxayso inay si dhakhso leh u joojiyaan dagaalka oo ay wada hadal ku dhameeyaan khilaafkooda. Saaxiibada caalamku waxay diyaar u yihiin inay taageeraan dadaalladaas haddii ay dhinacyadu codsadaan” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay beesha Caalamka.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Gudoomiyaha Haayada Shaqaalaha Somaliland Farxaan Haybe Oo Laga Helay Coronavirus

Bnnstaff Bnnstaff

TPLF Oo Lagu Eedeeyay In Ay Dad Shacab Ah Ku Laysay Deegaan Ka Tirsan Gobolka Amxaarada

Bnnstaff Bnnstaff

Sucuudiga Oo Ka Hadlay Kulan Qarsoodiga Ahaa Ee Dhex Maray Maxamed Binu Salmaan Iyo Netanyahu

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More