Dowlada Somaliya Iyo Wakiilada Beesha Caalamka Oo Shir Deg Deg Ka Yeeshay Abaarta Ka Jirta Jubaland

Guddiga Wasiirrada ah ee u xilsaaran Abaaraha ka jira dalka, Danjireyaasha Beesha Caalamka iyo Hay’adaha Gargaarka ee ka howl-gala dalka ayaa wada qaatay kulan deg-deg ah oo ku saabsanaa wax ka qabashada Abaaraha.

Shirka oo ahaa mid ku dhacay aaladda fogaan aragga ayaa lagu soo bandhigay walaac xooggan oo ku aaddan xaaladda Abaaraha ee kasii daraysa, taasoo galaafatay nolosha dad iyo duunyo fara badan.
Kulanka ayaa si wadajir ah u bogaadiyay dedaallada iyo gurmadka ay hormuudka ka yihiin shacabka Soomaaliyeed gudo iyo dibadba, iyagoo ku baaqay in la sii dardar geliyo, lana xoojiyo sidii loo badbaadin lahaa dadkeenna ku dhibaateysan deegaannada ay ku habsadeen abaaruhu.

Madaxda ayaa ka dhageystay guddigii Wasiirrada ahaa ee gurmadka geeyey iyo Wasiirka Gargaarka Jubbaland warbixin ku saabsan saameynta abaaruhu ay ku yeesheen Jubbaland oo ka mid ah degaannada ay sida ba’an u saameyeen Abaaraha ka jira dalka.

Gabagabadii, Madaxda ayaa isla qaadatay in la dar-dargeliyo lana xoojiyo dedaallada lagu badbaadinayo nolosha dadka tabaalaysan, iyagoo isla gartay in loo baahan yahay qorshe cad oo looga hortagayo Abaaraha ku soo noqnoqday qeybo ka mid ah dalka.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Wasiiro Ka Socda Dowlad Dagaanka Somalida Itoobiya Oo Kulan La Qaatay Maamulja Gobolka Awdal

Bnnstaff Bnnstaff

Kooxo Hubaysan Oo Dad Shacab Ah Ku Laayay Gudaha Dalka Itoobiya Iyo Tirada Dadka Dhintay

Bnnstaff Bnnstaff

Dad Badan Oo Lagu Laayay Weerar Lagu Qaaday Xero Ay Ku Nool Yihiin Barakacayaal

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More