Midowga Africa Oo Qaadey Tallaabo Adag Oo Ka Dhan Ah Dalka Sudan

Midowga Africa, ayaa ka saarey dalka Sudan xubinnimadii iyo dhammaan hawlaha ururkani, illaa iyo inta lasoo celinayo dowlad kumeel gaar ah oo heysata sharciyad buuxda, oo uu dalkaasi yeesho. Waxaa lagu tilmaamey afgambigii dhacey Isniintii mid aan waafaqsaneyn dastuurka.

Mudaaharaadyo loogga soo horjeedo la wareegista ciidanka military-ga talada dalka Sudan, ayaa ka socda maalintii saddexaad magaalada caasimadda Khartoum.
Ururada ganacsiga, oo matalaya dhakhaatiirta iyo shaqaalaha shirkadaha shidaalka, ayaa sheegay sidoo kale iney ku biirayaan dibad baxyada.

Xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka, Antony Blinken, ayaa kula hadley taleefanka ra’iisal wasarihii xilka laga tuurey, kadib markii uu gurigiisa dib uggu noqdey.

Abdalla Hamdok, ayaa la xirey intii uu socdey afgambiga. Mr Blinken, ayaa mar kale ku booriyey ciidamada qalabka sida ee dalka Sudan, iney sii daayaan hoggaamiyeyaasha rayidka ee u xiran.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Ra’iisul Wasaaraha Haiti Oo Isku Day Dil Ka Bad Baaday Iyo Faahfaahino Ka Soo Baxay Isku Daygaasi

Bnnstaff Bnnstaff

Madaxtooyada Somaliya Oo Sheegtay In Weerar Lagu Yahay Dowladnimada Somaliya

Bnnstaff Bnnstaff

Golaha Guurtida Somaliland Oo Shaaciyay In Ayna Doorasho Ka Dhicin Deegaano Ka Tirsan Sool Iyo Sanaag

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More