Dr. Bashir Jamoh Agaasimaha guud ee Hay’adda Badbaadada Maamulka Badaha Nigeria (NIMASA) ayaa sheegay in burcad badeedda Soomaaliya ay haatan ka howl-galaan dhul badeedka dalkaasi.
Agaasimaha ayaa sheegay qunsulka Korea-da Koonfureed ee Nigeria Kan Haenggu iyo safiirka Belgium Danile Bertrand oo wada-hadal taleefon la yeesha toddobaadkan, sida lagu sheegay bayaan.
Bayaanka oo cinwaan looga dhigay “Ammaanka ganacsiga badaha,” ayaa Korea iyo Belgium waxay ku ballan-qaadeen inay taageeri doonaan hay’adda NIMASA, sida uu sheegay madaxa isgaarsiinta hay’adda Philip Kyanet.
Dr. Bashir Jamoh ayaa yiri “Waxaan ogaanay inuu xiriir ka dhaxeeyo dambiyada ka dhaca baddeena iyo dhaq-dhaqaaqyada burcad badeedda Soomaaliya, oo halkan soo gaaray.”
Jamoh ayaa si kastaba sheegay in Nigeria ay diyaarisay qorshe ay kula soconeyso amniga badaheeda, islamarkaana uga hortageyso weerarada ka dhaca.
Ugu dambeyn agaasimaha ayaa waxaa uu sheegay in burcad badeedda Soomaaliya ay soo gaareen badaha Nigeria, hayeeshee ma jiraan weli wax weerar ah oo ka dhacay badaha Nigeria
Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com