Borama News Network

Askari Ka Tirsana Ciidamada Dawladda Oo Dil Toogasho lagu fuliyay

Maxkamada ciidamada qalabka sida qeybta 60-aad ayaa maanta xukun dil ku ridey askari ka tirsanaa ciidamada daraawiishta Koofur galbeed.

Askariga ayaa lagu helay inuu horey dil ugu gestey askari kale oo ka tirsanaa Ciidamada daraawiishta Maamulkaas.

Cabdiraxiin Cismaan ayaa isla maanta dilka lagu fuliyey ayaa horey u dilay Ibraahim Aadan Salaad Wiirow.

Dilkaas ayaa dhowan ka dhacay degmada Diinsoor ee gobolka Bay ka dib markii labada askari uu soo kala dhex galay khilaaf sababay gacan ka hadal.

Dadweyne fara badan ayaa iskugu soo baxay goobta ay ka dhaceysay fulinta xukunka toogashada.

Related posts

Ruushka oo ka fiirsanaya adeegsiga hubka Nukliyeerka kadib weerarkii Ukraine ku qaadday

Abdiaziz Bnnstaff

“ Ninka aniga iga maarmi kara uma muraad sheegto”. Cabdilahi Dheere

Mustafe haji

Maandooriyihii ugu badnaa oo howlgallaga helay Dukaamo lagu iibinayey Cuntada Quutul-duruuriga.

Abdiaziz Bnnstaff