Borama News Network

DF oo daahfurtay hanaan casri ah oo lagu bixinayo Baasaboorka Soomaaliga

Agaasimaha Guud Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya, Mudane Ahmed Said Mohamed, ayaa daah furay hanaan casri ah oo lagu bixin doono baasaboorka Soomaaliga

Hanaankan cusub ayaa ah mid si digital ah loogu hubinayo xogta muwaadinka, hanaanka dirista baasaboorka iyo habka qaadashada intaba.

Adeeggaan cusub oo ah mid la jaanqaadaya habka casriga ah ee bixinta baasboorada, ayaa looga maarmi doonaa in lagu qoro gacanta codsiyada baasaboorka iyo xogta muwaadinka.

Waxaa uu meesha ka saari doona culeyskii ka iimaan jiray foomamka gacanta lagu buuxiyo, isaga oo soo gaabiniya waqtiga hubinta iyo daabaacadda intaba.

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ayaa si joogta ah horumarin iyo isbedal casriyeysan ugu sameynaysa hanaanka adeeg bixinta taas oo ay hay’addu ugu gol leedahay fududaynta adeegyadeeda bulshada u hayso.

Related posts

“Somaliland kama mid nihin marba hadii xildhibaankayagii La Af-duubanayo”.Shacabka Borama

Abdiaziz Bnnstaff

Turkiga oo qabtay rag looga shakisan yahay dilka Raabi Yahuudi ah

Abdiaziz Bnnstaff

“Gudoomiye Sacdiyo Haka Soo Degto Kursiga Shir Gudoonka Waayo Waxay …” Xil Daahir Amiin Jeesow

Abdiaziz Bnnstaff