Madaxweynaha Maamulka Puntland Oo Siciid Deni Oo Taliye Cusub U Magacaabay Ciidanka Booliska Puntland (Wareegto)

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 32 ee 1-da November 2021 kuna saabsan magacaabid Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland ee Maamulkaas.

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweyne Saciid Deni ayaa waxaa xilka Taliyaha Ciidanka Maamulka Puntland loogu magacaabay inuu noqdo S/Guuto Maxamed Cali Xaashi, kaasi oo bedelaya Taliyihii hore ee Ciidanka Booliska Guuto Cabdi Xasan.

Ciidamada Booliska dowlad Goboleedka Puntland ayaa waxaa la faray inay la shaqeeyaan Taliyaha cusub ee la magacaabay, sidoo kalena waxaa Taliye Maxamed Cali Xaashi laga dalbaday inuu si toos ah u guto waajibaadkiisa shaqo.

Hoos ka Akhriso Wareegtada magacaabista ee uu soo saaray Deni.

Madaxweynaha Maamulka Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Puntland Qodobkiisa 80-aad.

Markuu arkay: Baahida loo qabo Dar-dar gelinta Amniga.

Markuu la tashtay: Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland.

Markuu Tixgeliyey: Aqoontiisa, kartiisa iyo waayo-aragnimadiisa Ciidannimo.

Wuxuu xeeriyey:

1- Waxaa S/Guuto Maxamed Cali Xaashi loo magacaabay Taliyaha Ciidanka Booliska Dowladda Puntland.

Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, Wuuna saxiixay

DHAMMAAD

 

Related posts

Muxuu Yahay Dhambaalka Laga Siday Madaxweyne Xasan Sheekh Ee La Gaadhsiiyay Amiirka Qatar?

Bnnstaff Bnnstaff

Toos U Daawo Ciyaarta Semi-final Banaadir Iyo K/Galbeed Ee Tartanka Maamul Goboleedyada Somaliya

Bnnstaff Bnnstaff

Weerar Khasaaro Dhaliyey Oo Lagu Qaaday Garoon Diyaaradeed Ku Yaala Gudaha Dalka Sacuudiga

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More