Xaalad Deg Deg Ah Oo Lagu Soo Rogay Dalka Itoobiya

Golaha Wasiirada Itoobiya ayaa ku dhawaaqay xaalad degdeg ah oo la geliyay dalka oo dhan, sida uu shaaciyay Wasiirka Cadaaladda Gedion Timoteos.

Saraakiisha Itoobiya ee ku sugan caasimadda dalkaasi ee Addis Ababa ayaa ugu baaqay dadka magaaladaasi inay diiwaangashadaan hubkooda ayna magaaladooda ilaashadaan, xilli laga cabsi qabo in fallaagu ay u soo ruqaansadaan dhanka caasimadda.

 

Codsigan ayaa imanaya maalma uun kaddib markii Falaagada Xoraynta Shacabka Tigray (TPLF) ay sheegtay inay qabsadeen laba magaalo oo qiyaastii 400km u jira magaalada Addis Ababa.

Dowladda ayaa gaashaanka u daruurtay sheegashada TPLF waxa ayna ku tilmaantay “borabagaando”.

Dagaalka ayaa sanad ka hor waxa uu ka qarxay gobolka Tigray ee waqooyiga dalkaasi.

TPLF ayaa tan iyo markaas waxa ay horumar ka samaysay gobollada dariska ah gobolka Tigray ee Amxaarada iyo kan Canfarta.

Tan iyo markii ay colaaddu bilaabatay kumannaan qof ayaa dhimatay in ka badan laba milyan oo qofna guryahooda ayey isaga carareen.

Xafiiska Wararka BoramaNews

BoramaNews.com

Related posts

Warbixin Ku Saabsan Doorka Haweenka Ee Dhinaca Waxbarashada Iyo Adeegyada Bulshada

Bnnstaff Bnnstaff

Boqorka Dalka Sucuudiga Oo La Dhigay Isbitaalka Ku Yaalada Magaalada Jida Iyo Xaalada Boqor Salmaan

Dowladaha Sudan Iyo Kenya Oo Ka Wada Hadlay Arimo Muhiim Ah

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More