Wararkii Ugu Dambeeyay Dalka Itoobiya Kadib Xaalad Deg Deg Ah Oo Lagu Soo Rogay

Dalka Itoobiya, ayaa maanta wuxuu u noqonayaa maalintii koowaad, kadib markii lagu soo rogey xaalad deg deg ah, kaasoo socon doona muddo dhan lix bilood.

Mas’uuliyiinta Itoobiya ayaa shacabka ku dhaqan magaalada caasimadda ah ee Addis Ababa ku war geliyey iney hubkooda diiwaan galiyaan.
Waxey dhanka kale, ka dalbadeen iney u diyaar garoobaan sidii ay gacan uga siin lahaayeen booliiska iyo ciidanka qalabka difaaca magaalada.

Xoogagga la dagaalamaya dowladda, ayaa sheegay inuu yahay bartilmaameedkoodu magaalada Addis Ababa.

Madaxda caalamka ayaa ku booriyey dhinacyada kala duwan ee ku dagaalamaya Itoobiya xabad joojin deg deg ah, khilaafkana lagu soo afjaro wada hadal.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Muuse Biixi Oo Hambalyo U Diray Biden Fal-celin la Yaab leh-na la Kulantay.

Bnnstaff Bnnstaff

Madaxwaynihii Ugu Horeeyay Ee Carab Ah Oo La Wareegay Talada Dalka Niger

Bnnstaff Bnnstaff

Dowlada Fadaraalka Somaliya Oo Kulan Deg-Deg Isugu Yeedhay Diblomaasiyiin Ku Sugan Muqdisho

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More