Shirkada Facebook Oo Tirtirtay Qoraal Uu Bartiisa Soo Dhigay Raysal Wasaare Abiy Ahmed

Shirkadda Facebook ayaa ka saartay qoraal ka soo baxay ra’iisul wasaaraha Itoobiya, kaddib markii uu ku xad-gudbay siyaasadda ka dhanka ah hurinta rabshadaha.

Axadii, Abiy Axmed ayaa ugu baaqay muwaadiniinta inay hubka qaataan si ay uga hortagaan jabhadda Tigray People’s Liberation Front (TPLF).

Ciidamada TPFL ayaa dagaal socday muddo sanad ah kula jiray ciidamada dowladda, iyagoo maalmihii la soo dhaafay qabsaday magaalooyin muhiim ah.

Facebook ayaa lagu dhaleeceeyay in uu ku guul daraystay in uu wax badan ka qabto sidii loo joojin lahaa bartiisa in lagu huriyo rabshadaha.

Farriinta Mr Abiy wuxuu sheegay in fallaagadu dalka ku riixayso inuu burburo,” wuxuuna ku boorriyay muwaadiniinta inay “abaabulaan oo ay maraan qaab kasta oo sharci ah oo leh hub iyo awood kasta oo lagula dagaalami karo argagixisada TPLF”.

Af-hayeen u hadlay Facebook, oo shirkadiisu ay dhawaan magacawday Meta, ayaa BBC-da u sheegay: “Waxaa nalagu wargeliyay qoraal uu qoray Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, waxaana meesha ka saarnay tan markii aan ku xadgudbay siyaasaddeenna ka dhanka ah kicinta iyo taageeridda rabshadaha”

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Shacabka Magaalada Borama Oo Soo Dhaweeyay Furista Ururada Siyaada Fariina U Diray Xisbiyada Mucaaridka

Bnnstaff Bnnstaff

Ex Wasiir Boose Mire Oo Ka Hadlay Xilka Qaadistii Uu Madaxwayne Biixi Ku Sameeyay

Bnnstaff Bnnstaff

“Waxaanu Ka Adkaysan Waynay Dhibka Aan Shaashadaha Ka Dawanay” Hogaanka Nabadgalyada Deegaanka Somalida Ee Itoobiya

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More