Hay’adaha Amniga dowladda Soonaaliya ayaa garoonka diyaaradaha Aadan-Cadde ee Magaalada Muqdisho waxaa ay ka qabteen dhowr diyaaradaha drone-ka ee aan duuliyaha laheyn ee dhulka laga hago, kuwaas oo Garoonka laga soo dejiyay.
Xildhibaan Sakariye Xaaji Maxamuud Cabdi oo kamid ah Baarlamaankii 10aad ee Golaha Shacabka ee waqtigoodu dhamaaday ayaa sheegay in diyaaradahaas oo gaaraya lix Xabo ay awood kula wareegeen Ciidamo ka tirsan Hay’adda Nabadsugida Soomaaliya.
Xildhibaanka ayaa waxaa uu sheegay in diyaaradaha uu doonayay in uu ku waraabiyo beero kuyaal Puntland, waxaana laga soo iibiyay dalka Turkiga, iyada oo ay la socdeen laba Injineer oo u dhashay dalkaasi Turkiga.
Waxaa uu hadalkiisa uu intaasi ku daray in qorshaha la wareegitaanka diyaaradahaas looga gol leeyahay in lagu ceebeeyo maadaama uu yahay musharax Madaxweyne, isaga oo sicad u sheegay in uu dacwad ka gudbiyay Hay’adda NISA.
Saraakiisha Hay’adda Nabadsugida Soomaaliya weli wax faah faahin ah kaba bixin diyaaradaha Dronka-ka ee la sheegay in Garoonka ku qabteen, kuwaas oo uu sheegtay in uu dalka Keenya Xildhibaan Sakariye Xaaji Maxamuud.
Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com