Dowladda Soomaaliya ayaa ku amartay Ku igeenka Midowga Afrika ee Soomaaliya Simon Mulongo inuu dalka uga baxo muddo todobo cisho ah, kaddib markii lagu eedeeyay inuu ku guda jiro howlo aan waafaqsaneyn waajibaadka AMISOM iyo Istiraatiijiyadda Amniga.
Warqad ka soo baxday Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somalia ayaa Persona Non-grata loogu jaray oo ah nin aan dalka laga rabin.
Simon Mulongo oo kasoo jeedda dalka Uganda ayaa ka mid ah xubnaha Midowga ee ka howlgalla Soomaaliya.
Waxyaabaha keenay in dalka laga cayriyo waxaa ka qeyb ka ah qorshaha ciidanka AMISOM ee Soomaaliya oo bilihii lasoo dhaafay muran ka taagnaa joogitaankooda Soomaaliya.
Safiirka dowladda Federaalka Soomaaliya ee Masar ahna wakiilka joogtada ee Jaamacadda Carabta Ilyaas Sheekh Cumar ayaa kulan la qaatay mas’uuliyiin ka socotay Wasaaradda Waxbarashadda Masar.
Kulanka oo ka dhacay qeybta martidda ee Safaaradda aya waxaa goobjoog ahaa madaxa Waxbarashadda ee Safaaradda.
Safiirka aya uga mahadceliyay dowladda aan walaalaha nahay ee Masar deeqaha Waxbarasho ee dalka la siiyo, isago xusay in xiriirka Waxbarasho ee Masar iyo Soomaaliya uu yahay mid qoto dheer oo muddo fog soo jiray, isla markaana loo baahan yahay in lasii xoojiyo.
Sidoo kale Safiirka ayaa ahmiyad gaar ah siiyay in dib loo fasaxay minxooyinkii ka xayirnaa qaar ka mid ah ardayda Soomaaliyeed ee Masar, waxaana ka go’an in ardayda loogu shaqeeyo si siman oo cadaaladd ah.
Tan iyo intii uu xafiiska la wareegay Danjire Ilyaas Sheeq Cumar waxa muuqda inu dedaal badan ku bixiyay dib u soo nooleynta tayadii iyo fursadihii Waxbarasho waxaana meesha laga saaray caqabadihii ardayda ka haystay dhanka Waxbarashada.
Safiirka ayaa shahaado sharaf guddoonsiiyay mas’uuliyiinta ka socotay Wasaaradda Waxbarashada Masar, maadaama howl wanaagsan ay u hayaan ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barta Jaamacadaha dalka Masar.
Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com