Xukun Lagu Riday Saraakiil Kenyan Ah Oo Dilay Haweeneey Soomaali Ah

Maxkamadda Sare ee Ismaamulka Garissa ee gobolka Waqooyi-bari Kenya ayaa10 sano oo xabsi ah ku xukuntay labo sarkaal oo booliiska Kenya ka tirsan, kuwaas oo lagu eedeeyay inay saddex sano kahor Cabdiya Cumar Aadan ku dileen deegaanka Ramu ee Ismaamulka Mandheera.

Labada sarkaal oo lagu kala magacaabo Denis Langat iyo Kennedy Okuli ayaa markii uu dilku dhacay la soo taagay maxkamad, balse maxkamadda oo eegeysa xaalado gaar ah sida halka uu dilku ka dhacay ayaa go’aansatay in dilkaasi uusan ahayn mid ula kac ah.

Bishii July ayaa dembi lagu helay labadan nin, kaddib markii ay baaritaan sameysay Waaxda Kormeerka Booliiska (IPOA). Waaxda oo xukunka kaddib warbixin soo saartay ayaa sheegtay inay ka go’an tahay caddaalad u raadinta dadka la midka ah Cabdiya.

Cabdiya oo 63 jir ahayd ayaa la toogtay 10-kii November, sanadkii 2018, kaddib howlgal ay booliisku ka sameeyeen gurigeeda, iyagoo doonayay inay soo xiraan wiilkeeda oo looga shakisanaa inuu daroogada ka ganacsado.

Labada sarkaal ee dilka geystay ayaa kaddib la soo xiray, waxaana la soo taagay Maxkamadda Sare ee Garissa, iyadoo markii dambe damaanad lagu sii daayay.

Sida uu qoray wargeyska The Star ee Kenya ka soo baxa, baaritaan lagu sameeyay meydka Cabdiya ayaa wuxuu muujiyay inay u dhimatay dhiig-bax ka dhashay rasaastii lagu dhuftay. Rasaaska ayaa Cabdiya kaga dhacday qoorta waxayna ka baxday dhabarka.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Warbixin Dareen Leh:- Wiil 19 Ah Oo Aan Ku Dhalan Xubinta Taranka Raga Kuna Baaqay In La Soo Caawiyo

Bnnstaff Bnnstaff

Deni Iyo Axmed Madoobe Oo Iskaga Dhoofay Magaalada Muqdisho

Bnnstaff Bnnstaff

Tahriibayaal Galayay Maraykanka Oo Laga Dhex Tegay Koontiinar Lagu Soo Tahriibinayay

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More