Inta la xaqiijiyay 8 ruux ayaa geeriyootay 11 kalena waa ay dhaawacmeen kadib markii rag Burcad ah ay rasaas ku fureen gaari ay saarnaayeen dad Shacab ah, xili ay marayeen inta u dhexeysa magaalooyinka Marsabit iyo Badasa ee dalka Kenya.
Gaariga la rasaaseeyay ayaa noociisu ahaa kuwa xamuulka qaada ee loo yaqaano Kantada, iyada oo dadkii dhaawacmay la geeyay isbitaalka wayn ee ismaamulka Marsabit halkaas oo haatan lagu daweeynayo.
Dadka weerarkaas ku dhintay ayaa waxaa ay kala yihiin Shan dumar ah iyo saddex rag ah, iyada oo Gaariga uu siday rakaab aan tiradooda la cayimin.
Guddoomiye ku xigeenka dowladda dhexe ku matala ismaamulka Marsabit David Saruni oo dhacdadan xaqiijiyay, ayaa sheegay in falkan uu ka dhacay meel 5 kiilomitir u jirta magaalada Marsabit, sidoo kalena aan la heyn faah faahin dheeraad ah.
Ugu dambeyn waxaa uu sheegay in dadkii ka dambeeyay weerarkaas ay tallaabo ka qaadi doonaan dadkii weerarka geystay, wuxuuna Shacabka ugu baaqay inay laamaha Amniga la Shaqeeyaan.
Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com