Maraykanka Oo Muwaadiniintiisa Ugu Baaqay In Ay Deg Deg Uga Soo Baxayaan Dalka Itoobiya

Safaaradda Maraykanka ee Addis Ababa ayaa digniin ay Jimcihii soo saartay ugu baaqday muwaadiniinteeda inay sida ugu dhaqsaha badan uga baxaan Itoobiya.

Arrintan ayaa ku soo beegmaysa iyadoo laga cabsi qabo in xooggaga mucaaradka ay gudaha u galaan caasimadda Addis Ababa.

“Xaaladda ammaan ee Itoobiya ayaa ah mid aad u qasan. Waxaan kula talineynaa muwaadiniinta Maraykanka ee ku sugan dalkan inay uga baxaan sida ugu dhaqsaha badan,” ayaa lagu sheegay farriin la soo dhigay bogga internet-ka ee safaaradda.

Digniinta Maraykanka ayaa ku soo beegmaysa xilli ay sagaal urur oo mucaarad ah Washington uga dhawaaqeen isbahaysi ka dhan ah xukuumadda Abiy Axmed.

Xooggaga Tigray ee la dagaallamaya dowladda Itoobiya ayaa maalin ka hor sheegay inay diyaar u yihiin gelitaanka caasimadda Addis Ababa, walow aysan dooneyn inay xukunka la wareegaan.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Caaqilkii Ay Wasaarada Arimaha Gudaha Somaliland Sheegtay In Ay Xilkii Qaaqil Nimo Ka Qaaday Oo Hadlay

Bnnstaff Bnnstaff

“Dawladda Waxanu Leenahay Dawalad- nimada Dhawara Oo Durbaan Dagaal Ha Tumina” Xil Barkhad Batuun

Bnnstaff Bnnstaff

Khasaaro Farabadan Oo Ka Dhashay Dabkii Ka Kacay Goobo Ganacsi Oo Ku Yaal Muqdisho

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More