Maraykanka Oo Maamulada Somaliya Ugu Baaqay In Ay Bilaabaan Doorashada Golaha Shacabka

Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayaa ku boorisay shanta Madaxweyne Dowlad Goboleed inay dhameystiraan doorashada Golaha Shacabka.

War kasoo baxay Safaarada mareykanka ayaa lagu sheegay in loo baahan yahay doorasho loo dhan yahay, laguna kalsoonaan karo ka hor dhammaadka sanadkan 2021, isla markaana hannaanka doorashada uu noqdaa mid la dardar geliyo.

“Waxaan ku boorineynaa Madaxweyne SaidAbdullah, Madaxweyne Madoobe, Madaxweyne Qoorqoor , Madaxweyne GudlaweHussein iyo Madaxweyne Laftagareen
si loo dhamaystiro doorashada Golaha Shacabka oo loo dhan yahay laguna kalsoonaan karo ka hor dhamaadka 2021. Waa in la dardar geliyo hanaanka doorashada” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Safaaradda Mareykanka.

Doorashada Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa si weyn dib ugu dhacday waxaana soo baxayay maalmihii lasoo dhaafay sidii si deg deg ah loogu bilaabi lahaa doorashada oo ah mid muhiim ah.

Labadii kursigii ee ugu horreysay ee xildhibaanada golaha Shacabka ayaa dhawaan lagu doortay Muqdisho, waxaana ka muuqatay daahfurnaan la’aan ah.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Madaxweyne Biixi Oo Booqday Dekedaha Dalka Jabuuti Ee Kala Gadisan

Mustafehaji

Toogasho Ka Dhacday Gobolka Minnesota Ee Dalka Mareykanka

Bnnstaff Bnnstaff

Mareykanka Oo War kasoo Saaray Dhismaha Dowladda Cusub Ee Afganistaan

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More