Qarax Khasaare Dhaliyay Oo Ka Dhacay Duleedka Magaalada Muqdisho Iyo Faahfaahino Ka Soo Baxaya

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax miino nooca dhulka lagu aaso ah ee laga hago meelaha fog-fog oo saaka ka dhacay duleedka Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho gaar ahaan deegaanka Garasbaaleey.

Dad goobjoogayaal ayaa waxaa ay ku warrameen in qaraxa miinada ah la geliyay laamiga dhinaciisa, isla markaana qaraxaas uu dhacay wax yar kahor markii uu wadada maray gaari ay saarnaayeen Ciidamo ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya.
Qaraxa ayaa qabsaday mooto ay saarnaayeen dad shacab ah, waxaana qaraxa ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray dadkii saarnaa Mootada oo lagu sheegay nooceeda inuu ahaa Bajaaj.

Inta la xaqiijiyay laba qof ayaa ku geeriyooday qaraxii ka dhacay degaanka Garasbaaleey ee duleedka Magaalada Muqdisho, halka qof kalena uu dhaawac soo gaaray, kaasi oo durbadii dad goobta ka Agdhawaa ay ula carareen Xarun Caafimaad.

Weli ma jiro wax war ah oo kasoo baxay laamaha amniga dowladda Federaalka Soomaaliya oo ay uga hadlayaan qaraxaas ka dhacay degaanka Garasbaaleey, waxaana inta badan qaraxyada noocaan oo kale ee dhaca sheegta Al-shabaab.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Cali Waran Cade Oo Ka Hadlay Baxsashada Libaaxiisa Iyo Dhaawaca Uu Haweenayda U Gaystay

Bnnstaff Bnnstaff

Booliska Somaliya Oo Toogtay Nin Qorshaynayay In Uu Weerar Gaysto

Bnnstaff Bnnstaff

Waraysi Dhinacyo Badan Oo Uu Bixiyay Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka Ah Ee Wadani

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More